Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suuqyada China oo Weli Hoos usii Dhacaya


Maal-gashte Shiinees ah oo eegaya shaashadda suuqa saamiyada China. Aug. 26, 2015.
Maal-gashte Shiinees ah oo eegaya shaashadda suuqa saamiyada China. Aug. 26, 2015.

Suuqyada Shiinaha ayaa mar kale hoos dhac ku yimid Arbacadii maanta, iyadoo weli ay dowladd Shiinuhu waddo isku dayo ay ku dooneyso inay ku bad baadiso suuqyada.

Suuqyada Shiinaha ayaa mar kale hoos dhac ku yimid Arbacadii maanta, iyadoo weli ay dowladd Shiinuhu waddo isku dayo ay ku dooneyso inay ku bad baadiso suuqyada dhaqaalaha labaad ee ugu weyn caalamka.

Bankiga dhexe ee Shiinaha, ayaa Talaadadii dhimay qiimaha dulsaarka 0.25 boqolkiiba, waxana ay bankiyada kale u sheegtay inay yareeyaan lacagaha ay u heysan karaan keydka.

Tallaabadaasi ayaa u fududeyneysa dadka wax iibsada inay si fudud wax u gataan, shirkaduhuna ay dhisaan warshado oo ayna shaqaale qortaan.

Suuqyada, ayaa tallaabadaasi u arkey mid wanaagsan, gaar ahaan kuwa saamiga ku leh suuqyada Mareykanka iyo Yurub, hasa yeeshee arrinta mar kale maanta lagu waabariistey Shiinaha, ayay ka dhigeysa mid walaaca sii xoojisa.

XS
SM
MD
LG