Steven Gerrard ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Sacuudiga ee Al-Ettifaq, sida kooxda Saudi Pro League ayaa Isniintii sheegtay.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Liverpool iyo England ayaa sheegay bishii hore inuusan qaadan doonin dalab uu ugu biirayo kooxda, laakin si kastaba ha ahaatee, 43-sano jirkaan ayaa isbedelay qalbigiisa wuxuuna noqday qofkii ugu dambeeyay ee ugu magaca weynaa ee ku biira kooxda Sacuudiga.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqnno Steven Gerrard inuu yahay macalinkeenna cusub," Al-Ettifaq ayaa ku soo qoray Twitter.
Guddoomiyaha kooxda Khalid Al-Dabal ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kadib markii Gerrard uu saxiixay heshiis labo sano ah.
Al-Ettifaq ayaa ku dhammeystay kaalinta toddobaad ee horyaalka heerka sare ee Saudi Pro League xilli ciyaareedkii hore.
Reuters.
Madal