Muqdisho —
Waxaa bulshada Soomaalida dhexdeeda kusoo badanaysa isticmaalka maandooriyayaasha gaar ahaan si xun u isticmaalka daawooyinka xanuun baabi’iyayaasha, kuwaasi oo faro-ba’an ku haya dhallinyarada.
Maandooriyayaashan ayaa ku biirsamay kuwii horey dhibaatada ugu haya caafimaadka iyo arrimaha bulshada sida qaadka oo kale.
Haddaba Haaruun Macruuf ayaa halista kasoo socota qabatinka maandooriyayaashan soo badanaya ka waraystay xildhibaan Dr. Cali Siciid Fiqi oo dhinaca kale ah Saynisyahan ku takhasusay tijaabooyinka daawooyinka iyo kiimikooyinka.