Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo marti-gelineysa shir ay yeelanayaan dalalka gobolka


Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku mart-gelineysa shir ay yeelanayaan Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska ah, ee loo yaqaan Dalalka Safka Hore, kuwas oo kala ah Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, shirkan ayaa looga hadlayaa dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in shirkan uu gogol xaar u yahay shir ay madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, oo uu guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

“Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan Amniga gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Shir madaxeedka ayaa looga hadli doonaa in si wadajir ah looga hortago khatarka “Khawaarijta baxsadka ay ku keeni karaan nabadgelyada gobolka, iskaashi buuxda oo ay yeeshaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka aan ATMIS ka tirsaneyn ee Soomaaliya jooga.”

Warbixintan waxaa soo dirtay Saynab Abuukar.

Soomaaliya oo marti-gelineysa shir ay yeelanayaan dalalka gobolka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:25 0:00

XS
SM
MD
LG