Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo beenisay in dal kale lagu wareejinayo maamulka hawada


Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan suurta-gal aheyn in HAWADA dalka ay gacan kale u maamusho Soomaaliya, kadib markii ay soo baxeen warar noocaas ah.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu yiri “Hawada Soomaaliya waa astaan qaran, waxayna sameysay horumar lataaban karo tan iyo markii ay kusoo laabatay gacanta Dawladda Soomaaliya. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara.”

Warkan ayaa ka dambeeyey kadib markii baraha bulshada ay ku baaheen warar sheegaya in shirkado shisheeye lagu wareejinayo maamulka hawada.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu shalay soo saaray uga digay qorshe noocan ah oo uu sheegay in xukuumadda ay waddo.

“Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

“Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.”

Madal

XS
SM
MD
LG