Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan oo kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah iyada oo loo marayo wakiillo diblomaasiyadeed oo buuxa oo ka hawlgala caasimadahooda, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Sabtidii.
Heshiiskan ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, uu mgaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya uu si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada hoggaamiye ayaa yeeshay wadahadallo heer sare ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo ka shaqeynta mudnaanta ay wadaagaan.
Bishii April 2024, Soomaaliya ayaa masaafurisay safiirkii Itoobiya ee Muqdisho, kadib murankii ka dhashay heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.
Xiisaddaas ayaa la xalliyay kadib heshiiskii Ankara oo ay dhex-dhexaad ka ahayd dowladda Turkiga.
Bayaanka wadajirka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada hoggaamiye ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in safaaradahoodu si dhow uga wada shaqeeyaan madalaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, si ay uga wada hadlaan danaha ay wadaaggan.
Iyagoo ku celceliyay ballanqaadkooda ku aaddan fulinta heshiiska Ankara Declaration, waxay isku raaceen inay dedejiyaan wadaxaajoodyada farsamo ee ku xusan heshiiskaas.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Itoobiya ayaa noqonaysaa safarkiisii ugu horreeyay ee rasmi ah tan iyo markii wadaxaajoodyadii uu garwadeenka ka ahaa Turkiga ay xalliyeen khilaafaadkii muddo dheer soo jiitamayay ee labada dal.
Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay in ay soo celiyaan xiriirkooda

Addis-Ababa —
Madal