Nairobi —
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Bariga Afrika, gaar ahaana dalka Kenya ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan ku biirista Soomaaliya ee waddamada EAC islamarkaana soo dhaweeyay.
Waxay ay sheegeen in go’aanka ku biirista Soomaaliya ee dallada Dowladda bulshada Bariga Afrika ay wax ka badali karto culeyskii qaxootiga Soomaalida markii hore ka haystay dhanka isu-socodka iyo dhaq-dhaqaaqa xorriyaddooda.
Cusmaan Jaylaani Aawoow oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ka badan 30 sano qaxooti ku ahaa dalka Kenya ayaa dareenkiisa ku aadan arrintaasi uga warramay Khadar Maxamuud Xareed, Nairobi.
Madal