Nairobi —
Cabdullaahi Mire oo horey u ahaa qaxooti ayaa maanta oo Talaada ah ku guuleystay abaal-marinta caalamiga ah ee ay bixiso hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee la yirahdo Nansen Award.
Abaal marintan oo la aas aasay sanadkii 1954-kii ayaa lagu sharfaa shaqsiyaadka, kooxaha, ama ururada shaqooyinka wanaagsan ka qabta difaacidda iyo taageeriddda qaxootiga.
Cabdullaahi Mire, oo 36 sano jir ah, ayaa loo aqoonsaday inuu in ka badan 100 kun oo book uu geeyay xeryaha qaxootiga ee Kenya.
Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka Nairobi kula xiriiray Cabdullaahi, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay dareenkiisa.
Madal