Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Son: Intii aan aadi lahaa Sacduudiga waxaan sii joogayaa Tottenham


Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur Son Heung-min ayaa sheegay inuu u dhaqaaqi lahaa horyaalka Saudi Arabia, laakiin u doorbiday inuu lasii joogo kooxdiisa, si uu mustaqbalkiisa ciyaareed u sii wato, isla markaana uga soo kabsado niyad-jabkii xilli ciyaareedkii hore ee 2022-23.

Son ayaa ku guuleystay kabaha dahabka ah ee Premier League ee goolasha ugu badan xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 23 gool, laakiin dhaawacyo iyo qaab ciyaareedkiisa oo lumay ayaa keentay in xiddiga heerka caalami ee dalka South Korea uu shabaqa soo taabto 10 jeer oo keliya xilli ciyaareedkii hore, markaas oo Spurs ay ku dhameysatay kaalinta sideedaad.

31-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu lacag badan ku aadi doono Sacuudi Carabiya, laakiin shir jaraa’id oo uu ku qabtay Perth kahor kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen West Ham United, wuxuu wacad ku maray inuu sii joogi doono kooxda ka dhisan waqooyiga London.

"Malaha haddii aan rabo inaan aado halkaas (Sacuudi Carabiya) waan bixi lahaa, halkanna ma joogeen," ayuu yiri isagoo qoslaya. "Waan jeclahay inaan ciyaaro kubada cagta, sida iska cad lacagtu sidoo kale waa muhiim, laakiin waxaan ku riyoodaa inaan ka ciyaaro Premier League"


"Sida iska cad, dadka intooda badan waxay u socdaan Sacuudiga, taas oo ah mid aad iyo aad u xiiso badan. Laakiin Premier League weli riyo ayuu aniga ii yahay." ayuu raaciyay.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG