Hargeysa —
Agaasime ku-xigeenka Telefishanka Horyaal Cabdiqani Xuseen (Cabdiqani Baylood) ayaa Maanta laga sii daayay xarunta danbi baarista ee magaalada Hargeysa oo uu ku xidhnaa tan iyo dabayaaqadii bishii hore.
Sii-daynta Cabdiqani Baylood ayaa ka danbaysay markii guddi suxufiyiin ahi ay u ololeeyeen sii dayntiisa.
Dawladda Somaliland ayaan rasmi ahaan uga hadlin sababaha xarigga, hase yeeshee guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa horey u sheegay inay ka gudbiyeen dacwad iyaga oo ku eedeeyey inuu jebiyey heshiis wadashaqayneed xilligii diiwaangelinta doorashooyinka, inkastoo haddana aan rasmi ahaan loo sheegin inay xiriir leeyihiin xarigga iyo eedaynta guddiga.
Warbixintan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.
Madal