Hargeysa —
Mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa kooxo caafimaad u diray deegaano ka tirsan gobollada Togdheer iyo Saraar, kuwaasi oo hawlgalo isugu jira baaritaano iyo daweyn ka fulin doona in ka badan 20 magaalo iyo tuulooyin.
Howlgalladan caafimaad ayaa waxaa ka faa’iideysan doona dadka la nool xanuunada ay ka mid yihiin macaanka, dhiig karka iyo qaar kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.
Madal