Boorama —
Somaliland, oo ka hadashay wararka la xiriira maalgashiga dekadda magaalada Saylac, ayaa sheegtay in Somaliland aysan waxba ka qabin in dekad lala maalgashto, balse Itoobiya ay dooneyso wax kale.
Dhowaan ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abi Ahmed Ali uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso dhul badeed ay dekad ka dhigato, taasi oo hadal hayn xooggan ka dhalisay gobolka.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa war kasoo saartay kulamo looga hadlay amniga iyo wadajirka gobolka Awdal, oo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici uu bulshada kula yeeshay magaalada Boorama.
Wariyaha VOA-da Haashin Sheekh Cumar Good ayaa faahfaahinta warkan waxaa noo soo diray.
Madal