Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Hannaanka Dimoqraadiyadda


Somaliland: Hannaanka Dimoqraadiyadda
Somaliland: Hannaanka Dimoqraadiyadda

Doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Somaliland ayaa qeyb ka ahayd hannaan dimoqraadiyadeed oo Somaliland ka bilowday 10 sanno ka hor.

Hannaanka dimoqraadiyada Somaliland ayaa soo maray heerar kala duwan. Somaliland waxaa markii ugu horeysay maamulayay siyaasiyiin ka tirsanaa jabhaddii SNM, waxaana sidoo kale door weyn ku lahaa odoyaasha beelaha iyo xeer-beegtida oo iyaga beel ahaan loo soo dooran jiray kadibna ku dhaqmi jeeray xeer dhaqameedyo.

Dadka Somaliland ayaa 2001-dii waxay markii ugu horeysay u codeeyeen dastuur cusub oo hannaanka Dimoqraadiyada ku shaqeynaya. Dastuurkaasi ayaa ogolaanayay in mas'uul walba si ku salaysan habka dimoqraadiyada loo soo doorto intii qaab beeleed loo soo dooran lahaa.

Doorashadii ugu horeysay ee ku salaysan dimoqraadiyada ayaa waxay Somaliland ka dhacday 2002, iyadoo saddex sanno kadibna ay doorasho lagu soo dooranayo xubnaha baarlamaanka.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixin dheer oo weriyaha VOA Hargeysa Sahra Ciidle Nuur ay ku eegayso marxaladdaha kala duwan ee uu soo maray hannaanka Dimoqraadiyada Somaliland.

XS
SM
MD
LG