Wasaaradda qorshaynta qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 25 sano kadib Soomaaliya ay yeelanayso qorshe qaran xilli ay meel gebogebo ah ay marayso qorshaha qorshaynta qaranka Soomaaliya.
Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorshaynta ayaa u sheegay Idaacadda VOA in dhaqaalahii Soomaaliya loogu yaboohay ee New Deal lagu bixiyay meel aysan dowladda Soomaaliya ogayn taasi oo qayb ka ah qorsha la'aanta qaran ee dalka ka jirta.
Wasiir Qaloocow ayaa waxa uu sheegay in boqolkiiba toddobaatan aysan Soomaaliya soo gaarin lacagtii loogu yaboohay ee qeybta ka ahayd barnaamijka New Deal.
Wasiirka ayaa sheegay in qorsha qaran uu soo afjari doono dhaqaalaha Soomaaliya loogu talagalay ee meelaha kale la marsiiyo.
Weriyaheena Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa wareystay wasiir ku xigeenka.