Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynayaashii hore oo ka degay Beledweyne


Wafdi ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Beledweyne.

Wafdigan ayaa halkaasi u tagay si ay uga qaybqaataan gurmadka dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Dhowaan ayaa Madashada Xisbiyada Qaran waxay ku dhowaaqday inay lacag dhan 200 kun oo doollar ay ugu deeqayso dadka ay fatahaaduhu ku saameeyeen Beledweyne iyo Bardaale.

Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaamiya Madashada Xisbiyada Qaran.

Ka hor intii aysan saaka ka dhoofin Muqdishu ayaa wakiillo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran waxay sheegeen in madaxweynayaashii hore lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee muqdishu. Eeddaas ayaan dawladda Soomaaliya weli ka hadlin.

XS
SM
MD
LG