Maalintii shalay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu magacaabay shan garsoore oo cusub oo fadhiisanaya Maxkamadda Sare, waxaa sidoo kale uu cayriyey lix garsoore.
Warbaahinta dawladda Soomaaliya oo soo xigatay wareegtada kasoo baxday dawladda ayaa sheegtay in tallaabadan uu qaaday madaxweynuhu ay ku salaysan tahay ballanqaadkiisii ahaa dib u habayn lagu sameeyo garsoorka.
Haddaba maxay ka dhigan tahay magacaabistan? Sidoo kale waa sidee guud ahaan xaaladda garsoorka Soomaaliya. Su'aalahan iyo kuwo kale ayaa Haaruun Mcruuf uu weydiiyey garyaqaan Cabdiwaaxid Sheekh Cusmaan Qalinle oo ku nool gobolka Minnesota. Ugu horrayna waxa uu ka hadlayaa sida uu u arko magacaabista garsoorayaasha cusub.
Waraysiga hoos ka dhagayso