Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waraysi: Ergayga IGAD ee Soomaaliya


Maxamed Cabdi Afey
Maxamed Cabdi Afey

Ergayga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa si taxaddar leh usoo dhoweeyey golaha cusub ee wasiirrada ee uu ku dhowaaqay ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo wareysi siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay inuu ka rajo qabo in Baarlamaanku ay ansixiyaan Goolaha Wasiirrada, waxaase uu sheegay in dadka Soomaalida ay u taallo qiimaynta Golaha Wasiirrada. Waxa uu sheegay in doorka IGAD uu ku kooban yahay gargaarka iyo gacansiinta dawladda.

Dhinaca kale Ambassador Maxamed Cabdi Afey waxa uu difaacay doorka dawladaha IGAD ee deriska ah ay ka ciyaarayaan arrimaha Soomaaliya.

Hoos ka dhagayso waraysi dheer oo uu la yeeshay Haaruun Macruuf.

IGAD SOMALIA
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:43 0:00

XS
SM
MD
LG