Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo lala beegsaday ciidamada AMISOM


Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in laba qarax lala beegsaday ciidamada Burundi ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inuu duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Buurane oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe sida VOA ay u sheegeen dad degaanka ku sugan.

Qaraxyada ayaa lala eegtay askarta AMISOM kuwaas oo ku sugnaa meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Buurane .

Sida wararku ay sheegayaan qaraxa koowaad ayaa geystey qasaare kooban halka markii ciidamo kale oo u soo gurmaday askartii wax ku noqotay qaraxa koowaad ay la kulmeen qarax labaad.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex askari ay waxyeello kasoo gaadhay qaraxa labaad, hase yeeshee Af-hayeeenka AMISOM oo ay la xiriirtay VOA waxa uu sheegay inay kaga dhaawacmeen laba askari.

Dhinaca kalena, dadka degaanka ayaa sheegay in rasaas ay fureen ciidamada AMISOM uu ku dhintay qof rayid ah.

XS
SM
MD
LG