Buuq iyo jahawareer ayaa mar kale ka dhacay dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu maanta dhacay kulan ay hadhaysay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.
Mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha ayaa loo qaybiyey xubnaha Baarlamaanka iyadoo dhinaca kalena ay waraaqaha mooshinka jeexjeexeen qaar ka mid ah xubnaha kasoo horjeeda.
Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dambe yimid dhismaha Baarlamaanka waxana uu u sheegay in la qaybiyey mooshinka waxaana hadalkiisa hadheeyey sawaxan iyo cabasho ka imanayey xubnaha Baarlamaanka ee taabacsan Ra'iisul Wasaaraha.
Fadhiga Baarlamaanka ayaa kadibna lagu kala dareeray.
SIda ay dhigayaan xeer-hoosaadyada Baarlamaanka, waxaa doodda mooshinku soconaysaa ilaa shan maalmood oo ka bilaabanaysa berrito, waxaana cod in loo qaado mooshinka la filayaa toddobaadka dambe.