Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali USA laga Tarxiiley oo Muqdisho la Geeyay

9 qof oo Soomaali ah oo Maraykanka laga tarxiiley ayaa maanta laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/samad Macalin ayaa VOA u xaqiijiyay in sagaal qof oo rag ah oo laga soo celiyay Maraykanka ay maanta yimaadeen Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay dowladda u sheegtay in dadkan ay si sharci darro ah ku galeen dalka Maraykanka iyagoon wadan wax fiiso ah, sidaasi darteedna ay dib ugu soo celiyeen Soomaaliya.

This item is part of
XS
SM
MD
LG