Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii Booliska Sh/Dhexe oo la Dilay


Wararka ka imanaya magaalada Jawhar ayaa sheegaya in Taliyihii Booliiska Gobolka Shabeellada Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye lagu dilay qarax caawa fiidkii ka dhacay gurigiisa.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in qaraxa uu ka dhashay bam gacmeed lagu tuuray guriga taliyaha booliiska.

Taliyaha ayaa la sheegay in dhaawac culus uu kasoo gaadhay wadnaha kadibna loola cararay cisbitaalka halkaasi oo la sheegay inuu ku dhintay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaasi kuwaasi oo midkood yahay askari kan kalena nin horey uga soo baxsaday Al-Shabab oo lagu hayey guriga taliyaha.

XS
SM
MD
LG