Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay qabsadeen magaalada Buq Aqable oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabab ay ku lahayd gobolkaasi.
Goobjoogayaal ayaa idaacada VOA u sheegay in ciidamadu ay galeen magaalada iyadoo aan iska horimaad ka dhicin.
Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada waxay sheegayaan in baabuur uu ku qarxay gudaha magaalada balse lama oga khasaraha, waxaana loo malayanayaa in baabuurku uu ahaa mid laga buuxiyey waxyaabaha qarxa oo loga tagay goob ka mid ah magaalada.
Maleeshiyadii ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inay ka carareen magaalada. Buq Aqable ayaa 40km dhinaca Galbeed ka xigta magaalada Buula Barde ee Gobolkaasi.
Toddobaadkii hore ayaa sidoo kale ciidamada dawladda iyo uwa AMISOM ay qabsadeen degaanka Halgan.