Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sigaarka iyo Dhibaatooyinka uu dhaliyo


sigaar
sigaar

http://media.voanews.com/images/smoking-banner2.jpg --> http://www.smokinginafrica.com Waa xubin gaar ah oo aan ku eegayno cabista sigaarka. Waxaana ka sheekaynaya qaar ka tirsan dadka sigaarka caba iyo dhakhtar Soomaali ah

Cabista sigaarka ayaa ah aafo si gaar ah u haysata kan caba, oo hadana dhibaato weyn ku ah kuwa uu ku ag-cabo. Dhibaatada caafimaad ee sigaarku dhaliyo ayaa ah mid aan laga waaqsan karin, waxaana dheer dhibaatada dhinaca dhaqaalaha.

Baadhitaano sanadkii inaga tagay la soo saaray ayaa lagu sheegay in 8-dii ilbidhiqsiba qof uu u dhinto isticmaalka tubaakada. Maalin kasta 15- billion oo xabo oo sigaar ah ayaa lagu iibiyaa daafaha dunida, waxaana daraasadaha qaarkood lagu sheegay in xabad-kasta oo sigaar ah oo la cabo ay qofka 5- daqiiqo ka goyso cimrigiisa cel-celis ahaan.

Dalka Somalia, oo marxalladaha collaadaha ay naafeeyeen, ayaa waxaa dhinaca kalena, badanaya isticmaallka maandooriyayaasha sida qaadka iyo sigaarka.

Dhalinta yar-yar markaad eegto guud ahaan caalamka 5-tiiba mid ayaa caba sigaar, waana da’ha u dhaxeysa 13-15 jirka. Fahmi oo 13-jir ku nool Hargeysa iyo Axmed Cabdi Salaad oo ah 15 jir Muqdisho jooga ayaa labaduna sheegay in ay sigaarka cabaan

Dhalinta yar-yar iyo kuwo dhexe kuma eeka cabista sigaarka, balse dadka waaweyn iyaguna waxay cabaan sigaarka. Dadkaasi waxaa ka mid ah Kulmiye Ciise Maxamuud oo ah 101 jir ku nool Garoowe. Kulmiye wuxuu sheegay in sigaarka uu bilaabay markuu 12-jirka ahaa, dhibaatana uu ku hayo, balse hadana uu la qabatimay maadaama uu muddo badan cabayay. Kulmiye, wuxuu dhalinta uga digay inay sigaarka iska dayaan

Dr. Cismaan Maxamuud Axmed, (Cismaan Xaraare) waa doctor Soomaaliyeed oo howlgab ah degan Minnesota, wuxuuna madax u yahay ururka East-African Health Project, Dr Xaraare wuxuu sheegay in cabista sigaarku ay keento cudurro halis ah oo qofka soo asiiba, wuxuna cabistiisa ku tilmaamay cudurro qof uu soo iibsanayo.

Doctor Cismaan Xaraare, wuxuu sheegay in dhinaca dhaqaalaha balwadduhu sida sigaarka oo kale ay qeyb ka qaataan bur-bur ku yimaada dadka, gaar ahaa qoysaska.

Hadaba xubintan gaarka ah oo aan uga hadlayno sigaarka iyo dhibaatadiisa, ka dhagayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG