Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo sheegtay inuu jiro shirqool lagu beegsanayo Farmaajo iyo Rooble


NISA
NISA

Qoraal xalay xilli dambe ka soo baxay hay’adda nabadsugidda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay inay heleen xog la xidhiidha, in kooxda Al-Shabaab ay beegsanayaan madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal lagu baahiyey barta twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarahaba.

Ha’adda nabadsugidda ayaa qoraalkooda ku magcaabay xubin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inuu qayb ka yahay qorshahaas, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Maahir, islamarkaana ay hay’addu ku dabo jirto.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Ra’iisal Wasaare Rooble uu maalmo ka hor warbaahinta la wadaagay halis amni oo ka dhan ah iyo hanjabaado uu sheegay inuu helay.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir OK

NISA oo sheegtay inuu jiro shirqool lagu beegsanayo Farmaajo iyo Rooble
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00

XS
SM
MD
LG