Baardheere —
Degamda Baardheere ee gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay roobab xoogan ka da’ayeen ayaa waxaa xalay mar kale ku fatahay tog weyn oo ku yaalla duleedka dagmada.
Fatahaaddaas ayaa waxaa ku dhintay illaa sideed qof, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba burburay suuqii weynaa ee degmadaasi, iyadoo dadka qaar ay wali ku go’doonsan yihiin xaafadaha Baardheere.
Faafaahinta warkan, waxaa Kismaayo kasoo diray wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.