Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee xayiraadda SWIFT u saameyneysaa dhaqaalaha Ruushka?


SWIFT
SWIFT

Dalalka ugu waaweyn Reer Galbeedka, oo ay kamid yihiin Mareykanka, Midowga Yurub, Canada iyo Britain oo ka jawaabaya duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa go'aan ku gaaray in BanKiyada Ruushka laga curyaamiyo Adeegsiga Habka Bankiyada caalamku ay lacagaha isugu diraan ee loo yaqaano (SWIFT).

Xayiraadda SWIFT ayaa looga dan leeyahay in looga hortago dhaqaale uu Ruusku ku maalgaliyo duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine.

Haddaba Wariyaha VOA-da ee Europe, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa saameynta arrintani ku keeni karto bangiyada Ruushka wuxuu ka wareystay Cabdirisaaq Maxamed Axmed oo bartay cilmiga dhaqaalaha islamarkaana ah maamulaha My Bank oo uu fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Wuxuu ugu horeyn ka ka jawaabayaa waa maxay hanaanka SWIFT ee nidaamka Bankiyada?

Warbixin ku saabsan cunnaqabateynada lagu soo rogay Russia
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:53 0:00

XS
SM
MD
LG