Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee Soomaalida Mareykanka u arkaan guddiga laga saaray Ilhaan?


Ilhan Omar
Ilhan Omar

Soomaalida Maraykanka dagan ayaa si weyn uga hadlay go’aanka xisbiga Jamhuuriga ee maamuula Aqalka Wakiilada ee Congress-ka uu shalay Ilhaan Cumar uga saaray xubinnimada Guddiga Arrimaha dibedda.

Afhayeenka Aqalka Wakiilada, Kevin McCarthy ayaa sheegay in Ilhaan Cumar guddiga looga saaray sababo la xiriira haddalo ay horey uga sheegtay Israel, laakiin Ilhan Cumar, xisbiga Dimoqraadiga iyo waliba Aqalka Cad ayaa dhammaantood ku tilmaamay tallaabada Ilhaan looga saaray guddigaasi inay tahay mid siyaasadeysan oo aargoosi ah.

Qaar ka mid ah Soomaalida degan gobolka Ohio, ayaa sheegay inay ka xun yihiin go’aankaasi, halka kuwo kalena ay sheegeen inay soo dhaweynayaan in Ilhaan Cumar guddiga laga saaro.

Warbixintan waxaa Columbus Ohio kasoo diray Cabdikaafi Yuusuf Aadan.

Sidee Soomaalida Mareykanka u arkaan guddiga laga saaray Ilhaan?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:21 0:00

XS
SM
MD
LG