Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee loo arkaa diblomaasiyadda ay Soomaaliya ka waddo gobolka?


Afwerki iyo Xasan Sheekh
Afwerki iyo Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay dalka Eritrea toddobaadkan, halka wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi uu tegay Qaahira.

Labadan dal ayaa bishii October ee sanadkan heshiis iskaashi la galay dowladda Soomaaliya, xilli uu ay taagneyd xiisad u dhaxeysay Soomaaliya iyo Ethiopia oo ka dhalatay heshiiskii badda ee Ethiopia iyo Somaliland ay kala saxiixdeen bishii Janaayo.

Booqashooyinka u dambeeyay ee dowladda ayaa ku soo aadaya laba toddobaad ka dib markii Soomaaliya iyo Ethiopia ay Ankara ku gaareen heshiis uu Turkigu garwadeen ka ahaa.

Hadaba qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho ayaa aragtidooda ka dhiibtay dhaq-dhaqaayada diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka.

Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Sidee loo arkaa diblomaasiyadda ay Soomaaliya ka waddo gobolka?
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:38 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG