Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo u baaqday 'sababo farsamo'


Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada
Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada

Shirkii ay Sabtida maanta ah yeelan lahaayeen golaha wadatashiga qaranka ayaa dib loo dhigay “sababo farsamo” awgeed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya.

"Shirkan oo muhiim u ah dardargelinta horumarinta dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhammeystirka dastuurka, iyo arrimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska Ra'iusl Wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii iskugu yeeray kulan ay yeeshaan madaxda federaalka iyo kuwa heer goboleed.

Madaxweynaha ayaa warqado u kala diray madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Glabeed, Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka gobolka Banaadir.

Bayaan xafiiska Ra'isul Wasaarah
Bayaan xafiiska Ra'isul Wasaarah

Madal

XS
SM
MD
LG