Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka IGAD ee xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Kampala

IGAD
IGAD

Shir-madaxeedka 42-aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan oo ah mid aan caadi ahayn ayaa waxaa looga hadlayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac ayaa shalay gaaray magaalada Kampala.

Inkastoo Ethiopia ay ka maqan tahay shirka oo aysan ka qaybgalaynin, haddana natiijada kasoo bixi karta shirkan ayaa ah mid aad indhaha loogu hayo.

Wariyaha VOA-da Khadar Maxamud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Nairobi.

Shirka IGAD ee xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Kampala
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:07 0:00




Madal

XS
SM
MD
LG