Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Washington: Shirka hubka Nukliyeerka


Madaxweyne Obama ayaa marti galinaya shir ay hogaamiyayaasha caalamka uga hadlayaan hubka nukleerka iyo inaan hubkaasi galin gacmaha argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo furaya caawa fiidkiii kulan-madaxeedkan oo soocon doona muddo 2 maalmood ah ayaa wuxuu sheegay in haddii argagixisaddu ay hesho walxa hubka nukleerka ay taasi khatarta ugu weeyn ku tahay amaanka Mareykanka.

Mr. Obama wuxuu u sheegay wariyayaayaasha shalay in ururrada argagixisada sida Al-Qacida ay isku dayayaan in ay helaan hub nuclear ah, haddi ay taasi ku guuleeystaan ay wax ka bedeli doonto amaanka caalamaka sannadaha soo socda, wuxuuna hoosta ka xariiqay Obama in aysan ka laba-labeeyn doonin in ay isticmaalaan hubkaasi.

Mr. Obama wuxuu sheegay in uu rajeynayo in dalal kale ay is diiwangelin doonaan si ay gacan uga geystaan inaan walxaha Nukliyeerka aysan fara-ka bax noqon, walxahaasi oo khatar abuuri kara haddii ay galaan gacanta argagixisada.

Dalalka Kuuriyada Waqooyi, Iraan iyo Siriya oo reer galbeedku ay ku dhaleeceyaan ajendayaashooda nukleerka lagu tuhun-san yahay ayaan shir–madaxeedkan lagu marti qaadin.

XS
SM
MD
LG