Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho


Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waana shirkii afaraad ee dhaca tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May 2022.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odorasayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii September.”

Waxaa sidoo kale shirka looga hadli doonaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab oo bilihii dhowaa ka socday gobollo ka mid ah dalka, sida lagu sheegay qoraalka.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:36 0:00

XS
SM
MD
LG