Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Baydhaba


Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhaba ee ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, shirka ayaa waxaa looga hadli doonana qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirka ayaa waxaa waxaa ka qeyba galaya Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac iyo madaxweyne goboleedyada Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen HirShabeelle Cali Guudlaawe, Jubbaland Axmed Madoobe, Galmudug Axmed Qoor Qoor, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku saabsan sababta uu uga baaqday.

Hase yeeshee, Puntland go’aan kasoo baxay 9-kii Janaayo ku sheegtay in maamulku uu dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Wariyaha VOA Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan ka soo diray Baydhaba.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Baydhaba
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:07 0:00

XS
SM
MD
LG