Kismaayo —
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay badbaadinta deegaanka, iyadoo wasaarada deegaanka iyo dalxiiska Jubaland ay dhinaca kale biloowday olole bulshada looga wacyi galinayo in dhirta aan la jarin si deegaanka looga ilaaliyo xaalufka, abaarat iyo roob-la’aanta.
Kddib kulankan ayaa wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad wuxuu ka wareestay go'aanadi shirkaasi kasoo baxay agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Maxamed Cabdi Cabdullaahi Shariif.