Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho


Shil
Shil

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay, tiro kale oo aan la cayiminna way ku dhaawacantay shil baabuur oo galabta ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa la shegay inuu dhacay kadib markii baabuur kuwa xamuulka qaada ah oo waday konteenar uu ku kor rogmaday baabuur basaska yar-yar ah oo taagnaa goob uu ka qaadanayey dad rakaab ah.

VOA waxay la xiriirtay afhayeenka booliiska oo aan ka jawaabin telefoonka.

Ciidamada ilaalada nabadgelyada waddooyinka ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin goobta shilka uu ka dhacay.

Madal

XS
SM
MD
LG