Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shidaalkii ugu horreeyay oo gaaray Gaza


A truck carrying fuel prepare to cross into Rafah in the southern Gaza Strip on November 15, 2023, amid the ongoing battles between Israel and the Palestinian group Hamas.
A truck carrying fuel prepare to cross into Rafah in the southern Gaza Strip on November 15, 2023, amid the ongoing battles between Israel and the Palestinian group Hamas.

Shidaalkii ugu horreeyay ee Qaza ku socda tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayaa Arbacadii kasoo tallaabay xudduudda Masar, kaas oo ku socday hay'adaha Qaramada Midoobay, laakiin wax badan oo culeys ah kama dulqaadi doono caqabadaha shidaal la'aanta ah ee heysta dadaallada gargaarka bini'aadannimo ee Gaza.

Ilo bini'aadantinimo ayaa sheegay in Israa'iil ay oggolaatay keenista shidaalkan, kadib markii ay oggolaatay 24,000 litir (6,340 gallon) oo shidaal ah oo loogu talagalay baabuurta qaybinta gargaarka Qaramada Midoobay, iyada oo aan loo isticmaaleyn isbitaallada.

"Shidaalkan waa 9% oo kaliya shidaalka aan u baahanahay maalin kasta si aan u sii wadno hawlaha nafta lagu badbaadinayo," ayuu yiri Tom White, oo ah agaasimaha Hay'adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Qaxoontiga ku yiri bartiisa X.

Guddoomiyaha guud ee hay'da caawinta qaxootiga Falastiin ee UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa yiri: "Hawlgalkeenna oo dhan hadda wuxuu qarka u saaran yahay inuu istaago." "Waa wax laga naxo in shidaalka loo sii isticmaalo hub dagaal."

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in shidaal la'aanta matoorrada isbitaallada, bixinta biyaha, qeybinta gargaarka iyo isgaarsiinta, iyo sidoo kale qaybinta saadka gargaarka, ay gacan ka geysatay xaaladaha sii xumaanaya ee 2.3 milyan ee deggan Gaza.

Gargaarka ayaa Masar uga soo gudbayay Gaza ilaa 21-kii Octobar, balse Israa’iil ayaa diiday in shidaal lasoo gudbiyo, iyadoo sheegtay in Xamaas ay u adeegsan karto in lagu huriyo dagaalka ka dhanka ah Israa’iil.

Madal

XS
SM
MD
LG