Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheikh Jassim oo soo bandhigay dalab cusub oo uu ku iibsanayo Manchester United


FILES-QATAR-FBL-MAN UTD-ENGLAND
FILES-QATAR-FBL-MAN UTD-ENGLAND

Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani, oo ah wiil uu dhalay Ra'iisul Wasaarihii hore ee waddanka Qatar, ayaa soo gudbiyay dalab cusub oo uu ku iibsanayo kooxda horyaalka Premier League ee Manchester United, sida ay Reuters u sheegeen dad arrintan la socda.

Sheekh Jassim ayaa dalabkiisii hore sameeyay bishii February, waxaana afhayeen u hadlay Sheekh Jassim uu xilligaas sheegay in dalabkan uu gabi ahaanba ahaa mid deyn xor ka ah, iyada oo ay la wareegeyso Mu'asasada Sheekh Jassim ee Nine Two Foundation.

Wax tafaasiil maaliyadeed ah oo ku saabsan tartanka cusub ee gadashada lama shaacin, hase yeeshee Sky Sports News ayaa mar sii horreysay sheegtay in dalabkan la rumeysan yahay inuu ku kacayo ku dhawaad 5 bilyan oo gini oo u dhiganta ($6.12 bilyan).

Kooxda Manchester United kama hadlin wararka la xiriira dalabkan cusub.

Milkiilayaasha Manchester United ee Maraykanka ah ee qoyska reer Glazer, ayaa billaabay qorshe ay iskaga iibinayaan kooxda, waxaana dalabaad rasmi ah dabayaaqadii sannadkii hore ay heleen dhowr ah daneeye, oo ay ku jiraan bilyaneerka Britishkaah ee Jim Ratcliffe, iyo ganacsade u dhashay waddanka Findland ee Thomas Zilliacus.

Reuters.

XS
SM
MD
LG