Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aadan Madoobe oo la kulmay Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa la kulmay Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay kasoo qeyb galeen maamulka iyo mucaaradka, wuxuuna ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur Galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Golaha Shacanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale Arbacadii Baydhaba kulan kula qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka ee mucaaradka ah.

XS
SM
MD
LG