Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif Xasan oo sheegay in loo diiday inuu u dhoofo Baydhaba


Shariif Xasan
Shariif Xasan

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasna Sheekh Aadan ayaa sheegay maanta in loo diiday inuu u dhoofo magaalada Baydhaba si uu ugu tartama kursi ka mid ah baarlamaanka oo degaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhaba.

Shariif Xasan ayaa arrintan ku eedeeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, hase yeeshee VOA oo isku dayday inay la xiriirto maaxdaweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen, weli uma suurtogelin.

Sidoo kale waxaa VOA la xiriritay mas'uul ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbeed oo sheegay inaysan xilligan ka hadlaynin.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Shariif Xasan oo sheegay in loo diiday inuu u dhoofo Baydhaba
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:07 0:00

XS
SM
MD
LG