Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday furumaha hore ee dagaalka ee ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.
Madaxweynaha oo xirnaa dharka tuutaha ciidamada, waxaa booqashadiisa goobaha dagaalka ku wehliyay xubno ka tirsan wasiirada dowladda, taliyeyaal ciidan iyo ciidamada Amisom oo amnigiisu ilaalinayeen.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cali Maxamed Xasan (Looyaan) oo VOA-da u warramayaa ayaa sheegay in madaxweynuhu uu hormuud ka yahay abaabul dagaal oo ay dowladdu ku dooneyso inay Muqdisho kaga saarto kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.
Waa markii ugu horeysay ee uu madaxweyne Shariif socdaal ku tago goobaha dagaalka tan iyo intii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya.
Abaabulkan cusub waxa uu ku soo beegmayaa maalin ka dib markii xoogagga ka soo horjeeda dowladda, gaar ahaan kooxda al-Shabaab ay ciidamada dowladda kala wareegtay saldhiggii Gaadiidka oo ay horey bilyysku deganaayeen.
Sidoo kale madaxweyne Shariif wuxuu isla maanta booqday dekeda magaalada Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo galo dowladda kmg ah iyo hotelkii hore ee Curubo oo ay saldhig ka dhigteen ciidamada AMISOM.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay maamulka iyo shaqaalaha dekeda ilaa lix qodob oo ay ka mid yihiin arrimaha maamulka, isticmaalka dakhliga ka soo xarooda dekeda, xuquuqda xamaaliga iyo amniga.
Madaxweynuhu wuxuu kulan ay albaabadu u xiran yihiin la yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, intii uu booqashada sameynayay madaxweyne Shariif waxaa la maqlayay dhowaqa rasaas iyo madaafiic ku soo dhacaysay agagaarka xarunta ay AMISOM degan tahay ee Ex-Curubo Hotel iyo dekeda Muqdisho.
Lamana sheegin cid wax ku noqotay.
Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso waraysiga Taliyaha Boliiska iyo warbixin ka hadlaysa booqashada madaxweyne Sharif.