Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u canbaareeyay qaraxii ay ku dhinteen 33 qof ee ka dhacay Muqdisho.
Madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in kuwa qaraxan ka danbeeyay aysan diinta Islaamka shaqo ku lahayn, isla markaana is-qarxintu aysan wax raad ah ku lahayn dhaqanka Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif, wuxuu xusay in qaraxyadani ay yihiin wax dibedda laga soo agaasimay oo fikraddo shisheeye ku shaqeynaya.
Ugu danbeyn, Shariif Soomaalida ugu baaqay inay si wadajir ah uga soo horjeestaan dagaal mideysana kala hortagaan kooxahan mucaaradka ku ah Dowladda Somalia.
Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta ee DKMG, Eng C/raxmaan Yariisow ayaa kuwa qaraxyadan geystay ku tilmaamay kuwo u dan leh inay xasuuqaan dadka Soomaalida.
Hadalka Madaxweynaha iyo wareysiga wasiirka warfaafinta qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.