Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaalaha TV-ga Universal oo Weli Xiran


Cawil Daahir Salaad
Cawil Daahir Salaad

Ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho iyo hay’adaha u dooda xuquuqda wariyayaasha ayaa siyaasabo kala duwan uga xariga wariyayaashan, islamarkaana cambaareeyey.

Maalintii labaad ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku xiran wariyayaal ka tirsan TV-ga Universal, ee xaruntiisu tahay magaalada London.

Ciidamada nabad-sugida Soomaaliya waxa ay xireen wariye Cawil Daahir Salaad iyo Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyagoo markii danbana ciidamo hubeysan u diray xarunta TV-ga ee magaalda Muqdisho.

Ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho iyo hay’adaha u dooda xuquuqda wariyayaasha ayaa siyaasabo kala duwan uga xariga wariyayaashan, islamarkaana cambaareeyey.

Sidoo kale, xildhibaan Cabdi Xaashi oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya, madaxna u ah gudi hoosaadka saxaafadda, islamarkaana ka qeyb galey dooddii ugu dambeysey ee uu qabtey wariye Cawil Daahir Salaad ayaa ka waramay sababta xariga wariyayaasha ay doodaas lug ku leedahay.

Waxaa warbixintan ka diyaariyey Falastiin Axmed Iimaan

Warbixinta Falastiin
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:15 0:00

XS
SM
MD
LG