Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Nayroobi ku kala saxiixday wajiga labaad ee mashruuc wasaaradda maaliyadda looga caawinayo mashaharaadka shaqaalaha dowladda dhexe iyo kuwa maamul-goboleedyada.
Mashruucan oo socon doona muddo 5 sanno ah ayaa waxaa ku baxaya 144 milyan oo Doollar. Dowladda Somalia waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka maaliyadda Maxamad Aadan “Farkeeti”. Maryan Maxamuud Qalanjo ayaa wasiirka wareysatay kadib heshiiskaasi.