Laascaanood —
Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay 19 qof oo kale dibadbaxyo rabshado wata oo mar kale maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Dibadbaxyada ayaa socday maalmihii tegay, waxaana wada shacab ka careysan dilal horey uga dhacay magaalada. Dadka maanta dhintay ayaa lagu warramayaa inay dishay xabado ay fureen ciidamada Somaliland.
Warbixintan waxaa Laascaanood kasoo diray weriyaha VOA Cabdikariim Olol.
Facebook Forum