Beledweyne —
Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya, kuwa HirShabeelle iyo dad deegaanka ka tirsan ayaa dagaallo adag kala hortagay ururka Al-Shabaab, kana qabsaday deegaano dhowr ah.
Dagaaladan ka socda gobolka Hiiraan ayaa kusoo aaday xilli ay abaaro soo noqnoqday ku dhufteen Soomaaliya, lagana digayo in malaayiin qof ay qarka u saaran yihiin macluul.
Dagaaladan ayaa dad badan oo ku noolaa tuulooyin iyo deegaanno ku yaala gobolka Hiiraan ka oo qixiyay guryahooda. Qaar badan oo ka mid ah ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne.
Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan kasoo diray Beledweyne.
Embed
share
Embed
share
The code has been copied to your clipboard.
The URL has been copied to your clipboard
No media source currently available