Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Seychelles oo Soo Bandhigtay Qorshe ku Aaddan Burcadbadeedda


Danjiraha Seychelles ee Qaramada Midoobey
Danjiraha Seychelles ee Qaramada Midoobey

Dajnjiraha Seychelles u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa VOAda uga warramay qorshaha dalkiisa ee ku aaddan Burcadda.

Danjire Ronny Jumeau ayaa waraysi gaar ah oo uu laanta af Soomaaliga ee VOAda siiyay ayaa waxa uu ku sheegay in burcad-badeeddu ay dhibaato ku hayaan dhaqalaaha dalkiisa.

Danjiraha ayaa tilmaamay in wax soo saarka guud ee dalkiisu uu hoos u dhacay sanadkii 2009kii 4%, taasi oo ay sabab u ahayd falalka burcad-badeeddu.

Mar la weydiiyay sida uu u arko in maxkamad caalami ah loo sameeyo dadka lagu soo eedeeyo burcad-badeednimada, ayaa waxa uu danjiruhu xusay in ay arrintaasi ka hor iman karaan caqabado badan.

Caqabadaha ugu waawayn ee uu danjiruhu xusay ayaa waxaa ka mid ah, dalka laga furi doono maxkamadda, iyo halka lagu xidhi doono dadka dambiga lagu helo, kuwaasi oo lagu xukumi karo xadhig gaaraya 10 sano iyo kabadan.

Danjiraha Seychelles ee qaramada midoobay ayaa sidoo kale tilmaamay in ay dhibaato ka iman karto cidda bixin doonta kharashka maxakamadda oo u baahan doonta shaqaale badan.

Hase ahaate waxaa uu danjiruhu soo bandhigay qorshaha dawladdiisa ee arrintaasi ku aaddan isaga oo sheegay in dalkiisu aanu waxba ka qabin in ay maxkamad saaran Soomaalida ku eedeysan burcadbadeednimada, kadibna loo wareejiyo dalkooda Somalia.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG