Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Save the Children oo sheegtay in carruur badan ay shuban-biyoodka ugu dhinteen Soomaaliya


Somali women and children who left rural areas due to drought receive nutritional assistance at a camp for the internally displaced, on the outskirts of Baidoa, Somalia, Oct. 12, 2022.
Somali women and children who left rural areas due to drought receive nutritional assistance at a camp for the internally displaced, on the outskirts of Baidoa, Somalia, Oct. 12, 2022.

Sida ay sheegtay hey’adda Save the Children ee ka shaqeysa daryeelka Caruurrta ee fadhigeedu yahay magaalada London, ugu yaraan 54 qof ayaa xanuunka Dacuunka ugu dhintay Soomaaliya bilihii u danbeeyay.

Hey’adda ayaa qoraal ay soo saartay todobaadkan ku sheegtay in sagaal ka mid ah dadkan ay todobaad ka hor u dhinteen cudurkan, taasoo ka dhigeysa tiradii ugu badneyn oo todobaad gudihii u dhinta xanuunka muddo isbuuc gudihiisa ah.

Maxamed Colaad Xassan oo Washinton jooga ayaa khadka taleefanka ee Muqdishu kula xiriiray Maxamed Cabdulqaadir oo ah Sii haya Agaasimaha howlgelinta hey’adda Save The Children Xafiiskeeda Soomaaliya.

 Save the Children oo sheegtay in carruur badan ay xanuunka shuban-biyoodka ugu dhinteen Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:07 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG