Muqdisho —
Maanta oo kale 24-kii bishii Febaraayo 2022, ayaa taankiyada iyo dabaabaadka miltariga Ruushku waxay duulaan buuxa ku galeen dalka Ukraine.
Sanad ka dib dadka Ukraine ayaa maanta u baroor diiqaya dadkii kaga dhintay dagaalka oo weli socda.
Dhinaca kale dagaalka Ukraine ayaa saameeyay guud ahaan dunida, gaar ahaanna waddama saboolka ah sida Soomaaliya oo kale oo ku tirsanaa gargaarka caalamiga ah.
Dagaalka Ukraine ayaa diiradda ka weeciyay Soomaaliya oo abaar ba’an ay halis ku heysay, waxaana saameynta laga dareemay xagga nolosha iyo maciishadda.
Wariyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.