Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo lagu arkay degaan cusub oo ka tirsan Sanaag


Sanaag
Sanaag

Wararka ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maleeshiyaad la aamisan yahay inay ka tirsan ururka Al-Shabaab lagu arkay degaan lagu magacaabo Gacan Maroodi oo ilaa 40km u jira degaanka kale ee Yubbe.

Warar aanu ka helnay laba qof oo dadka degaanka ah ayaa VOA u sheegay in maleeshiyaadkaasi ay ka yimaadeen dhinaca buuraha Golis.

Dhinaca kale sarkaal dhinaca amniga ah ayaa VOA u sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabab ay tageen degaankaas oo ku yaalla buuraha Golis, isla markaana maleeshiyaadkaasi Al-Shabab ay dadka degaanka la hadleen maanta. Sarkaalkaasi waxa uu VOA u sheegay in hadda ka hor maleeshiyaadka Al-Shabab ay cuntooyin ka iibsadeen degaankaas.

Ilaa hadda ma cadda in maleeshiyaadkaasi ay socod ku mareen degaanka iyo inay ka dhiganayaan saldhig rasmi ah. Ilaa haatan nooma suurtogelin inaan khadka telefoonka ku helno mas’uuliyiinta Gobolka Sanaag.

XS
SM
MD
LG