Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bukayo Saka oo heshiis cusub u saxiixay Arsenal


FBL-ENG-PR-ARSENAL-CRYSTAL PALACE
FBL-ENG-PR-ARSENAL-CRYSTAL PALACE

Weeraryahanka Arsenal Bukayo Saka ayaa u saxiixay heshiis cusub oo waqti dheer ah kooxdiisa, Talaadadii, waxaana 21-jirkaan heerka caalami ah, uu kusoo biiray akadeemiga kooxda waqooyiga London isagoo siddeed jir ah.

Wuxuu fure u ahaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay halkaganka kooxda Arsenal, isagoo horay u saftay 178 kulan.

Saka ayaa xilli ciyaareedkan Arsenal u dhaliyay 14 gool waxaana loo diwaan galiyay 11 kale oo caawinaad gool ah tartamada oo dhan.

Waxa uu sidoo kale ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda xilli ciyaareedkjii hore, isagoo dhaliyay 12 jeer.

Heshiiskii hore ee Saka ayaa lagu waday inuu dhaco dhammaadka xilli ciyaareedka 2023-24, waxaana warbaahinta Ingiriiska ay sheegtay in heshiiska cusub uu socon doono ilaa 2027.

"Runtii aad ayaan u faraxsanahay, waxaan u maleynayaa in tani ay tahay kooxda saxda ah, meesha saxda ah ee lagu sameyn karo tallaabada xigta. Waa naadi qurux badan - fiiri halka aan joogno," ayuu Saka ku yiri hadal uu soo saaray.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG